Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo tababbar diblomaasiyadeed u soo xiray 106 howlwadeen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo tababbar diblomaasiyadeed u soo xiray 106 howlwadeen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta tababbar diblomaasiyadeed oo ku saaban hordhaca diblomaasiyadda iyo habmaamuuska u soo xiray 106 howlwadeen oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda iyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah , kuwaasi oo muddo hal bil ah ku qaadanayay tababar Machadka Diblomaasiyadda.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa xusay in habmaamuusku yahay luuqad ay madaxdu ku wadahadlaan, isagoo xusay in weji gabax lagala kulmo khalad kasta oo habmaamuuseed oo lagu dhaqaaaqo, waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dejiyo nidaam habmaamuuseed oo heer qaran ah oo laga wada dhaqan-geliyo guud ahaan dalka oo la falgalaya nidaamka federaalka.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026

Hadal uu madasha ka jeediyay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Xamse Aadan Xaadow, ayaa sheegay in cilmigu yahay fure, furahaasina loo baahanyahay in lagu furo albaabada kala duwan ee aqoonta, iyadoo loo baahanyahay in qofku sare u qaaddo heerkiisa aqooneed, kuna dabaqo waxa uu faaideystay xafiisyada iyo hey’adaha uu ka shaqeeyo, una gudbiyo bulshada.

Waxaa xafladda lagu soo xirayay tabbabarkani oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda goob-joog ka ahaa Xildhibaan Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad), qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda, Macallimiinta Machadka iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay soo jeedinta R/W Xamse ee Guddiga dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka

Next Post

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay tartan aqooneedka degmooyinka

Next Post
Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay tartan aqooneedka degmooyinka

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay tartan aqooneedka degmooyinka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In