Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa shir gudoomiyey kulan loogu hadlayay isu – diyaarinta qabashada Tartan Aqooneedka Degmooyinka iyo Degaannada Gobolka Banaadir ee Bisha Ramadaan iyo sameynta Isku aadka tartankaasi.
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka, Agaasimaha xiriirka degmooyinka, mas’uuliyiin ka tirsan idaacadda Codka Caasimadda iyo dhamaan Guddoomiye Kuxigeennada Arrimaha Bulshada ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Tartan – Aqooneedkan oo ah mid sannadle ah, kana baxa Warbaabinta Gobolka Banaadir ayaa soo bilawday sannadkii 2014, iyadoona hadafka Maamulka Gobolka Banaadir ka leeyahay ay tahay in shacabka ku nool magaalo madaxda ay helaan madal aqoon – kororsi oo kobcisa Aqoonta isla markaana abuurta jawi isdhex, bisha barakeysan ee ramadaan awgiina loogu faa’ideysto Aqoonta Diiniga iyo Maadiga.
Ugu danbeyntii, Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa bogaadiyey dadaalka ay idaacadda Codka Caasimadda ugu xusul – duubatay qabashada Tartan – Aqooneedkan, islamarkaana waxa uu ballan qaaday in maamulka Gobolka uu fulin doono waajibaadkiisa kaga beegan qabsoomidda Tartan Aqooneedka Degmooyinka iyo Degaannada Gobolka Banaadir.