Monday, November 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

1-            Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal taariikhi ah ku tegay magaalada Aadan Yabaal oo ka mid ah degaannada laga xoreeyay Al Shabab.

2-            Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in degaannada laga xoreeyay Khawaarijta ay dowladdu gaarsiin doonto adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka.

3-            Dowladda Soomaaliya oo dib u howl-gelisay isbitaalka degmada Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u howl-geliyay isbitaalka degmada Aadan-yabaal kadib sanado badan oo Khawaarijta Al-shabaab ay xireen.

4-            Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa laamaha amniga ee qaranka iyo kuwa Gobolka Banaadir kala hadley sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

5-            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta adeegga isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka.

6-            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo au hirgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

7-            Turkiga oo gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

8-            Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray tartanka Kubadda Cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

9-            Xafiiska La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo qabtey shir sannadeedka maareynta hubka iyo rasaasta, kaas oo diiradda lagu saarey qorshaha qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

10-          Golaha Wasiirada oo la horgeeyay warbixin iyo talooyin 18 qodob ka kooban wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajajta.

11-          Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo Jubbada Hoose ku dilay dhowr ka tirsan Khawaarijta, gacantana ku dhigay horjooge ka tirsanaa argagixisada.

12-          Horjooge Dhuurre Yuusuf Garow (Hilal) oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Baydhabo.

13-          Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shaaciyay bilowga barnaamij loogu magac darey “xoriyad ku afur” oo laga fulinayo degaannada laga xoreeyay argagixisada Al Shabab.

14-          Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal lagula dirirayo mukhaadaraadka.

15-          Dowlad Goboleedka Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa oo maxkamad ay ku heshay inay ka dambeeyeen dilka dad shacab ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

16-          Soomaaliya oo saxiixday sharciga la dagaalanka kaluumaysiga sharci darrada ah.

17-          Shirka daah-furka Warbixin Muuqaaleedka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho.

 

============DHAMMAAD=============

Previous Post

Bankiga dhexe oo dalka ka hirgeliyey lambar-Xisaabeedka Bangiyada Caalamiga ah

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In