Sida uu kusoo waramayo Weriyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Abdulahi Warsame Roble Madaxii Khawaarijta u Qaabilsanaa Zakawaatka deegaanno ka tirsan Gobalka Gal-gaduud oo Wadno Istaag u dhintay isigoo Orad uga baxso is leh ciidanka xoogga dalka.
Mahad Cagaduub oo ahaa madaxii Zakawaatka Deegaannada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax, Bud bud iyo Ceel raydab ayaa maanta duhurkii lagu soo qabtay kadib howlgal ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Deegaanka Towfiiq oo 15 KM dhanka Waqooyi kaga Beegan Galcad, sida uu warkaan ku soo diray Weriyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Abdulahi Warsame Roble.
Koox ka tirsan Argagaxisada Naflacaariga ah ayaa weerar Arbushaad ah ku soo qaaday Ciiidankii soo qabtay xiligaas ayuuna isku dayay in uu baxsado laakiin markii uu ugu yaraan 3km ordayay ayuu wadnaha istaagay, wuxuuna ku dhintay bartii iyadoo wax rasaas ah lagu dhufan.
Weriyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Abdulahi Warsame Roble ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ayaa hadda Gacanta ku haaya labo ka tirsan Maleeshiyada khawaarijta oo isla howlgalkaasi ay kusoo Qabteen.