Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka oo ahaa booqasho, salaan iyo is-xogwareysi ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe warbixin ka siiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS shaqooyinka baaxadda leh ee Golaha Shacabka horyaala iyo shuruucdii uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad mudada sanadka ahayd ee uu jiray.
Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaaย isla soo qaadayย shuruuc hore oo qabyo aheyd oo u baahan dhameystir, taas oo muhiim u ah horumarinta iyo hannaanka geedi-socodka dowladnimada dalka.