Tuesday, June 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer oo dardaaran adag la siiyay (Warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka oo howlgal lagu baacsanayao argagixisada ka wada gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socda ciidamada Qalabka sida qeybta Galmudug ayaa gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaanna hoggaaminayay xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Galmudug Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse.

Saraakiisha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ciidamada,iyagoo halkaas warbaahinta kula hadlay, waxayna kula dardaarmeen in ay ilaaliyaan amniga, anshaxa iyo nabad galyada guud goobaha ay ka xoreeyeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Taliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Amar dul dhigay ciidamada howlgallada ku jira ee sii baacsanaya Khawaarijta Al-shabaab.

Gaashaanle sare Cabdullaahi Muuse ayaa ciidamada u balan qaaday inuu kala shaqeynayo sidii ay ku heli lahaayeen baahiyadooda dhanka ciidanka kuna dhiira geliyay in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

” Maanta waxaa idin hortaagan maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxay idin kugu timid saddex maaddo, mar in ay idinla howlgasho,mar dambiyada ciidamada dhexdooda geliyaan xabad ha noqoto, dil ha noqoto ama dhaawaca in ay idinka la hadasho, marna badbaadada shacabka in ay idin lala hadasho, shacabka aan u soo hiilinay inaan badbaadino guryahooda la furan,” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale, ciidamada kula dardaarmay in ay xoogga saaraann sidii loo badbaadin lahaa nafta iyo hantida muwaadinka Soomaaliyeed oo ay u soo dhaarteen, taas oo suurta gelineysa in wada shaqeyn dhow yeeshaan shacabka iyo ciidamada, xooggana la isugu geeyo ciribtirka Khawaarijta.

Sidoo kale, waxaa warbaahinta la hadlay Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax, taliyaha guutada 17-aad kumaandooska Gor Gor ayaa adkeeyay amarka taliyaha, isagoo tilmaamay inaan la arki karin askari xabad ku dhex ridaya magaalada dhexdeeda.

” Xabadda bilaa micno darada loo ridayo, waad ogtihiin, ma ogolaan doono in xabad lagu soo iibiyay canshuur laga qaaday hooyo suuqa caano ku iibineysa bilaa micno daro loogu rido magaalada dhexdeeda,”.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa si dar dar ah kaga socda bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamada xoogga Dalka iyo dadka deegaanka dhaq dhaqaaq xooggan ka wadaan.

Previous Post

The Somali Government strongly condemns the terrorist attack on Saturday at the Mpondwe/Lubiriha Secondary School in Kasese District

Next Post

Israa’iil oo falal xasuuq ah ka geystay xerada Jenin ee dhulka Falastiin

Next Post
Israa’iil oo falal xasuuq ah ka geystay xerada Jenin ee dhulka Falastiin

Israa’iil oo falal xasuuq ah ka geystay xerada Jenin ee dhulka Falastiin

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In