waxa xalay abaaro 11:20 habeenimo Dab khasaare badan geystay ka kacay Suuqa Ganacsiga ee magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Jigjiga,Suuqan gubtay ayaa waxa lagu magacaabaa Suuqa Taiwan-ta Cusub.
Suuqan ayaa lagu iibin jiray noocyada kala duwan ee Ganacsiga,Dabka ayaa si deg deg ah uvu faafay Suuqa taas oo ay sababtay Dabayl xagaa daran oo dhacaysay Sida uu Warbaahinga Deegaanka u sheegay Duqa magaaladda Jigjiga Mudane Eng Siyaad Cabdi Axmed.
Ciidanka Dab damiska Dowlad Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Shacabka Caasimadda Jigjiga ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan dabka oo fiditaanka uu magaalada ku fidayey xoogganaa,sidoo kalena ku guulaystay in ay gabi ahaanba bakhtiiyaan dabkan oo sababi lahaa khasaare ka xooggan midka hadda uu geystay.
Maayirka Magaaladda Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge oo hoggaaminaya Ciidanka Dab Damiska Maamulka Soomaliland ayaa sidoo kale gaadhay magaaladda Jigjiga isagoo sheegay in Shacabka Jigjiga iyo Dowladdoodu si xoog leh ugu soo gurmadeen markii Suuqa Hargeysa gubtay Sannadkii hore,iyaguna ay u soo gurmadeen shacabka Jigjiga iyo dowladoodda sidii ay gacan uga siin lahaayeen daminta dabkaan.