Friday, June 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo kala wareegay hoggaanka ATMIS Lix Saldhig (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 8, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo kala wareegay hoggaanka ATMIS Lix Saldhig (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Horumar la taaban karo ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaareen, waxa ayna maalintii khamiista aheyd ku dhawaaqeen in ay ku guuleysteen in ay la wareegaan fariisimihii ay hore u hayeen 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo qeyb ka ah qorshe dhimis lagu sameeyay ciidamada ATMIS-ka, taasoo calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo laga qaaday dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliya.

Howlgalka ATMIS oo ka kooban ciidamo ka kala socda dalal kala duwan oo Midowga Afrika ka tirsan ayaa muddo dhowr sano ah si firfircoon uga howlgalayay Soomaaliya. Joogitaankoodu wuxuu ahaa mid muhiim u ah taageeridda dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah iyo xasilinta Qaranka. iyadoo horumarka socda ee dib-u-habaynta laamaha amniga ee Soomaaliya, dhimista ATMIS-ka ayaa la filayay inayqayb ka ahaato istaraatiijiyadda fog ee dowladda si ay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka, waxayna  Qabashada masuuliyaddaasi ay ku guulaysteen XDS ay ka dhigan tahay guul weyn oo hawshan laga gaaray. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa ay ku guda jireen dib u habeyn ballaaran iyo dadaallo kor loogu qaadayo tayada shaqada, iyadoo ay taageerayaan saaxiibada caalamka, si kor loogu qaado waxtarkooda iyo awoodooda shaqo.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Xilwareejintan ay ciidamada ATMIS-ku ku wareejiyeen ciidamada XDS waxayna daliil u tahay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay xoojinta awooddeeda difaac. Maadaama Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed uu qaadayo mas’uuliyad weyn, dowladda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waa in ay sii wadaan in ay gacmaha isqabsadaan si loo xaqiijiyo guulaha socda ee dib-u-habeynta laamaha amniga, iyadoo Dhimista ciidamada ATMIS ay Soomaaliya u tahay fursad, haddii la isku dayo, qaranku wuxuu dhisi karaa mustaqbal xasilloon oo ammaan ah.

Haddaba ATMIS ayaa 7-dii bishan qabatay munaasabad rasmi ah oo ay ku wareejisay DFS Lix fariismo oo ay horey uga howgali jireen Ciidanka ATMIS, iyadoo soo gabagabeysay wajigii koowaad ee dhimista ciidamada. Dukumentiga rasmiga ah ayaa waxaa u saxiixay oo ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaana warqadahaasi u saxiixay Amb. Souef Mohamed El-Amine iyo Madaxa UNSOS, Aisa Kirabo Kacyira oo ku sugan Xarunta Ciidamada ee Muqdisho. Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in ATMIS ay weli ka go’an tahay xaqiijinta hannaan kala-guur oo hufan oo wax-ku-ool ah oo aan waxyeello u geysanayn amniga dadka Soomaaliyeed iyo kuwa ay kasbadeen, waxay u tahay guulo amni oo la gaaray, wuxuuna xusay in ATMIS ay u heellan tahay ammaanka Soomaaliya, isla markaana ay rajaynayso wejiga xiga ee duullaanka ay Soomaaliya hormuudka ka tahay, kaas oo hoos u dhigi doona awoodda Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, xoojinta xasilinta iyo xoreynta bulshooyin badan.

“ATMIS waxay si guul leh u hirgelisay dhimista 2,000 oo askari. Ujeeddada dhimista ayaa ahayd in la fududeeyo in si tartiib tartiib ah xilalka amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya,” ayuu danjire Souef u sheegay Suxufiyiinta shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho, isagoo Saxafiyiinta kula hadlayay Xarunta Ergada Khamiistii, danjire Souef ayaa sheegay in si guul ah loo soo gabagabeeyay qeybtii hore ee wejiga ka bixitaanka aysan sinnaba u dhimin ka go’naanta howlgalka nabad-dhisidda, xasilinta iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta, isagoo intaasi raaciyay in ATMIS ay sii wadi doonto wadashaqeyn dhow oo ay la leedahay DFS, UN, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si ay u sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah Agoosto 31-keeda, si loo qiimeeyo loona qorsheeyo Wajiga labaad ee dhimista.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa qiray doorka muuqda ee ATMIS & bahwadaagta ay ka geysanayaan nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in wax-qabadyadaasi ay ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah, isagoo muujiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in DFS ay magacaabi doonto koox-hawleed, si ay uga qeybqaataan qiimeynta wadajirka ah, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay qiimeynta iyo qorsheynta wadashaqeynta.

“Waxaan maanta si rasmi ah ula wareegney xaruumihihii ay ku sugnaayeen 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, waxaana si buuxda ula wareegey CXDS. Tani waa guul aad u weyn oo si wada jir ah loo gaaray, waxayna ka marqaati kacaysaa horumarka ay gaareen CQS”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaahaandfhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur. “Dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an fulinta in ay amnigeeda si buuxda ula wareegto dhamaadka 2024-ka”, ayuu sii raaciyay Wasiirku.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOM, Catriona Laing, ayaa ammaantay Amb. Souef Mohamed El-Amine, waxayna si gaar ah uga go’an tahay horumar degdeg ah isagoo ah hoggaamiyaha guddiga Midowga Afrika, iyadoo iftiiminaysa nooca wada shaqayneed ee shaqadooda, waxay qiratay dadaalka wadajirka ah ee AU, UN, DFS, iyo wadamada ciidamada ka jooga – Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti, waxayna amaantay naf-hurnimada Dalalkan iyo ciidamada amniga Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkeysay baahida loo qabo qiimeyn farsamo oo wadajir ah, si loogu wargaliyo qorsheynta wajiga labaad iyo dhimista mustaqbalka. Sidoo kale waxaa xaflada ka soo qayb galay ATMIS PC, Hillary Sao Kanu, SafiiradaTalyaaniga Amb. Alberto Vecchi; Kenya Amb. Thomas Chepkuto; Uganda Amb. Nathan Mugisha iyo madax kale oo ka tirsan DFS iyo ATMIS.

Previous Post

Ciidamada ATMIS oo Sh/Hoose ku dilay dhowr khawaarij ah

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxaa ka go’an in ay ka maaranto kaalmo shisheeye” (Warbixin)

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxaa ka go’an in ay ka maaranto kaalmo shisheeye” (Warbixin)

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In