Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka, ayaa maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey eedeysanayaal loo haysto tahriibin sharci darro ah iyo sameyn dal ku gal been abuur ah.
War-saxaafadeed xafiisku ka soo saaray kiiskan ayaa lagu sheegay in maxkamadda loo gudbiyey caddaymo horudhac ah oo muujinaya dambiyada loo haysto eedeysanayaasha.