Wednesday, November 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay dhowaan soo af-jarayaan Khawaarijta

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay dhowaan soo af-jarayaan Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa Soomaaliya.

Taliye Muxudiin oo waraysi siiyay warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta laga gaaray guulo fara badan, kuwaas oo  dadka iyo dalka ku hayay dhibaatooyin kala duwan.

Related posts

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

November 12, 2025
Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

November 12, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in qasaara lixaad leh uu khawaarijtu kasoo gaaray dhammaan goobihii laysku haleelay, halka meelaha qaarna ay isaga baxeen si fududna lagu qabtay.

Taliyaha ayaa sheegay in jihooyinka kala duwan ee uu Ciidanku ka weeraray cadowgu ay guulo waaweyn ka gaareen, laguna deegaanno fara badan, sida ugu dhaqsiyaha bandanna ay ku gaari doonaan Ceel-buur iyo Gal-hareeri.

“Aagga Maxaas halka la yiraahdo Wabxo ayuu ciidanku soo gaaray,  Guri-ceel-na wuxuu soo gaaray War-xoolo, isagoo kusii socdo Ceel-buur, Aagga la yiraahdi Cali Axmed, Bud-bud iyo Geriyaale ayuu ku socdaa, labada magaalo ee muhiimka ahna sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan ku gaaraynaa hadduu Alle idmo”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ugu dambayn sheegay in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta wejigiisa koobaad uusan ku qaadan doonin laba toddobaad.

 

Previous Post

Mareykanka oo Poland u ogolaaday inuu ka iibiyo diyaarado dagaal

Next Post

Ergayga Q.M ee Bariga dhexe oo ku baaqay in xal loo helo arrimaha ka dhex taagan Falastiin iyo Israa’iil

Next Post
Ergayga Q.M ee Bariga dhexe oo ku baaqay in xal loo helo arrimaha ka dhex taagan Falastiin iyo Israa’iil

Ergayga Q.M ee Bariga dhexe oo ku baaqay in xal loo helo arrimaha ka dhex taagan Falastiin iyo Israa’iil

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

November 12, 2025
0

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer sare ah u qabtay munaasabad ballaaran oo lagu hawlgelinayay hawlwadeennada ololaha...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

November 12, 2025
0

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa si rasmi ah u bilaabay ololaha doorashada Golaha Deegaanka, taasoo lagu...

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

November 12, 2025
0

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo ku qabtay kulan sanadle ah oo lagu xoojiyay is-dhexgalka ardayda iyo...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka.

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka.

November 12, 2025
0

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Islamabad ee dalka Pakistan. Soomaaliya waxaa shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In