Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay laba sharci oo muhiim u ah Dalka “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay laba sharci oo muhiim u ah Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankiisa 7-aad ee kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa

1- Akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maaraynta Deegaanka

Related posts

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

February 18, 2026

2- Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu horrayn, waxaa la gudagalay ansixinta sharciga Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka ka dib markii gudddigii ka soo shaqeeyay ay Sanatarrada la wadaageen xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada iyo sharciga, waxaana intaas ka dib codka kalsoonida siiyay 33 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusayna ma jirin.

Ajandahaas markuu xirmay, waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, waxaana dood iyo falanqayn ka dib la isla qaatay in sharcigaas oo muhiim gaar ah u leh dalka, isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada qaar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa cod geliyay soo jeedinta Sanatarrada qabay in islamaanta sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka akhrinta labaad iyo Saddexaad la marsiiyo, sidaas ayayna ku oggolaadeen Sanatarradii kulanka soo xaadiray, waxaana intaas kadib la sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka, 32 Sanatar ayaa oggol ku codeeyay wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin, sidaas ayuu sharcigaas isna maanta uga gudbay Golaha Aqalka Sare.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku xigeenka Deegaanka Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Mudane Saciid Maxamed Cali, ayaa Guddiyadii la shaqeeyay iyo dhammaan Sanatarrada Aqalka Sare uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay waajib gudashadooda uga qaateen sharciyada ay maanta ansixiyeen oo muhiim u leh Dalka.












Previous Post

Somali National Army foil attack by the Al-Shabaab terrorists

Next Post

Baarlamaanka JFS oo Akhrintii labaad mariyay sharciga howlgabnimada shaqalaaha 

Next Post
Baarlamaanka JFS oo Akhrintii labaad mariyay sharciga howlgabnimada shaqalaaha 

Baarlamaanka JFS oo Akhrintii labaad mariyay sharciga howlgabnimada shaqalaaha 

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

February 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha

February 18, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar

February 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In