Friday, August 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin dhiirigelin ugu tegay ciidamado ku sugan Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 31, 2023
in Wararka
0
Mas’uuliyiin dhiirigelin ugu tegay ciidamado ku sugan Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad Wehliye iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta, si ay u dhiiri geliyaan Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka.

Guddoomiye Sufuroow ayaa markii uu gaaray deegaanka Oya-Mago oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxuu dhiirrigelin u sameeyay Ciidanka Xoogga iyo Kuwa deegaanka, wuxuuna ku amaanay sida ay casharka ugu dhigeen Argagixisada oo dhawaan isku dayay in weerar dhuumaalaysi ah ku qaadaan deegaankaasi Oya-Mago.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday in taageerada maamulka Gobolka ay joogto ahaan doonto, ciidanka dib u xoreynta deegaankana ay u diyaar garoobaan qabashada deegaannada kale ee ay ku dhuumanayaan Khawaarijta.

Deegaannada uu booqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow waxaa ka mid ah Libileey, Oyo-mago iyo Qandoolyaay oo dhamaantood ka tirsan Gobolkan Hiiraan

Guddoomiyaha gobolla ayaa wada isku-duba ridka iyo dhiirragelinta Ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka si loo bilaabo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad Wehliye ayaa dhankiisa tilmaamay in ay garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida.




Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada XDS ee ku sugan  deegaanka Daaru-nimca

Next Post

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Next Post
Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Safiirada Soomaaliya iyo Talyaaniga ee Ethiopia oo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In