Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Abdolla salem alnuaimi.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan Wasaaradda iyo Dawladda Qatar.
Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka uga xog-waramay dedaallada ay Wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta barashada xirfadaha bulshada gaar ahaan dhallinyarada.
Safiirka ayaa isaguna dhankiisa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.
Ugu danbayntii Wasiirka ayaa uga mahad naqay Safiirka soo dhaweynta quruxda badan sido kalena ballan qaaday xoojinta xiriirka labada dal.