Sunday, September 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
September 23, 2023
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Dib-u-habeynta Waxbarashada 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in faqriga, caafimaad darrada iyo siyaasadda gurracan ay tahay astaanta dadka heerkooda aqooneed uu hooseeyo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in dalalka dib-u-dhacay ee aysan ka jirin wax horumar ah ay sabab u yihiin dadkooda oo aqoontoodu ay hooseyso, si ay ummadi horumar u gaartana ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado aqoonta dadka.

Related posts

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

September 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

September 7, 2025

Mudane Saalax ayaa xusay in afar milyan oo muwaadin Soomaaliyeed ah oo gaaray da’da waxbarashada aysan xiligaan haysan waxbarasho, si caqabadahaas looga gudbana ay xukuumadda DanQaran bilowday qorshe ballaaran oo lagu howlgelinayo ugu yaraan 120 kun oo macallim, iyada oo kor loo qaadayo miisaaniyadda ay dowladdu waxbarashada u qoondeysay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Machadka Heritage iyo Jaamacadda City mudnaanta ay siinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dadka Soomaaliyeed, si ay dadkeennu u noqdaan kuwa leh aqoon ay horumar ku gaaraan, isla markaana ay kula soo baxaan kheyraadka dihan ee dalkeenna Eebe ku manneystay.






Previous Post

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta

Next Post

Somali Prime Minister meets with the US President

Next Post
Somali Prime Minister meets with the US President

Somali Prime Minister meets with the US President

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

Duqa Muqdisho oo maanta xarig-jaray wadada isku xirta degmooyinka Xamarjajab iyo Waaberi

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo guddoomiye cusub u soo magacaabay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah ugu magacaabay...

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ALGERIA): Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarig jaray garoonka diyaaradaha cusub degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarig jaray garoonka diyaaradaha cusub degmada Buurhakaba

September 7, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BUURHAKABA): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In