Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska oo soo bandhigay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda todobaadkii la soo dhaafay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Booliska oo soo bandhigay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda todobaadkii la soo dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa Warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa Warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkaan, isaga oo sheegay in September 27, 2023-ka Khawaarijta ay miino dheemish ah ay u dhigeen guri uu leeyahay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Kaaraan, balse aysan geysan wax khasaare ah, iyada oo markii dambe Ciidamada amniga ay ku baxeen.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Afhayeenka ayaa sheegay in degmada Halwadaag gaar ahaan waaxda Carta, September 29, 2023-ka uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada Wiil yar, oo 7 jir ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray; Xasan Ibraahim Xuseen, isaga oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray gaariga oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan PL.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan darwalkii waday gaariga, isaga oo afhayeenka xusay in uu hadda xiran yahay darawalka.

30 September 2023-ka hawlgal ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee Ciidamada, ayaa laga fuliyey degmada Waaber, waxaana gacanta lagu soo dhigay 40 kartoon oo ay ku jireen dhalooyin Khamri ah iyo dadkii lahaa.

Subaxnimadii hore ee October 1, 2023-ka waxaa Hoobiyaal lagu soo tuuray xaafadda Tarabuush ee waaxda Timacade ee degmada Wadajir, iyada oo halkaas khasaare ay ka soo gaareen lab qoysa, waxaana ku dhaawacantay 4 dumar ah iyo hal rag.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska oo hawgal ka sameeyey degmada Wadajira ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan, eedeesane Cabdulqaadir Maxamed Afrax oo ahaa furo hayihii xabsiga Booliiska Degmada Beledweyne, kaas oo maxaabiis ka baxsatay xabsiga darteed uga soo baxsday Magaalada Beledweyne.

3 October 2023-ka degmada Waaberi gaar ahaan laanta Horseed ayaa mid ka mid ah muruqmaal ka shaqeenayey guri dabaq ah oo dhismihiisa socday ka soo dhacay, kaas oo geeriyooday, Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay in ay kiiskaan ku wareejiyaan Maxkamadda.

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo qaabilay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Akhriso mqgacyada horjoogayaashii Khawaarijta ee lagu dilay howlgallada ka socda Galmudug iyo Hirshabelle

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Akhriso mqgacyada horjoogayaashii Khawaarijta ee lagu dilay howlgallada ka socda Galmudug iyo Hirshabelle

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In