Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay daahfurka Mashruuca SERP

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 1, 2023
in Wararka
0
Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay daahfurka Mashruuca SERP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qeyb galay kulan lagu daahfuray mashruuca Kobcinta Maamulka kheyraadka Soomaaliya (SERP) iyadoo Madasha ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tiran dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo madax ka socotay Bangiga Aduunka (World Bank).

Mudane Ciise Guure ayaa ugu horeyn Magaalada Muqdisho iyo Madasha kusoo dhaweeyay Madaxda Maamul Goboleedyada iyo kuwa Hey’addaha Caalamiga, asigoona sheegay in Mashruucan (SERP) uu yahay mid taageerayo xoojinta shan tiir oo dowli ah, oo ay ugu waaweyn yihiin seddexda qeybood ee kala ah:

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025

• Maareynta Kharashka dowliga ah (PFM)

• Abaabulka dakhliga gudaha (DRM)

• Maareynta Hey’adaha Dowliga ah (PSM)

Ku-simaha Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in Mashruucan ay maal-gelineyso World Bank uu taageero farsamo siinayo howl-wadeennada dowladda Soomaaliya labadeeda heer iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu madasha la wadaagay in Maamulka Gobolka Banaadir uu haatan ku howlan yahay dhamaan siyaasadihii & hab – raacyada saldhiga u ah fulinta iyo ku dhaqanka nidaamka Maareynta Kharashka Dowliga ah (PFM), kaas oo ay ka farcamayaan daah-furnaanta Maaliyadda iyo Isla-xisaabtanka.




Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee Jowhar

Next Post

Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda

Next Post
Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda

Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah hawlgallo amni xaqiijin ah uga fuliyey...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In