Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 8, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka JFS ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-degga ah (NEOC) ee hay’adda maareynta musiibooyinka.

Ra’iisul Wasaare Saalax ayaa kormeeray sida ay hawsha gurmadka u socto, isaga oo kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta NEOC , waxaana xaruntaan soo dhaweeyn ugu sameeyey guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka  Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabbdulle.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa soo kormeeray qaybaha kal duwan ee ka koobantay xarunta Qaran ee hawlgalada gurmadka degdega ee NEOC oo ay ka shaqeeynayaan howlwadeenada kal duwan ee hay’adda SoDMA.

Mudane Saalax iyo xubnaha la socday ayaa warbixinnada ugu danbeeyay ka dhageeystay agaasinka xarunta NEOC, saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka oo marba markii ka danbeeysa sii siyaadeeyso saameeynta uu yeelanayo xaaladda roobab da’ay.

Hay’adda SoDMA ayaa diyaarisay Shan Doomood oo qayb ka noqon doona gurmadka Dadka ku xaniman Fatahaada, duuman kan ayaa la gaarsiin doonaa deegaanada ugu nugul ay Fatahaada saameeysay.

Mudane Saalax ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray ee ku nool gobollada Gedo, Bakool, Baay iyo qabyo kamid ah gobolada kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in baahi weyn maanta loo qabo ganacsatada diyaradaha, loona baahanyahay in gurmadkaan ka qayb qataan.









Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay Mabaad’iida Iskaashiga iyo Mideynta howlaha Caafimaadka dalka

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay Mabaad’iida Iskaashiga iyo Mideynta howlaha Caafimaadka dalka

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay Mabaad'iida Iskaashiga iyo Mideynta howlaha Caafimaadka dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Agaasimaha NISA u wareejiyay Mahad Salaad

June 14, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In