Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa qaabilay Gudigga Arrimaha Gudaha Dib-U heshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka, ayaa looga hadlay Arimaha Fatahaadaha, Xoojinta Xariirka Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Arrimaha Dib-U heshiisinta.
Guddiga arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Arrimaha Federaalka ee Aqalka sare,oo socdaal shaqo ku joogay maalmahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.ayaa madax Madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyeen xogtii ay kasoo arruusheen Bulshada kala duwan oo ay kulamada la qaateen.
Deeqo Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha gudiga ayaa ka hadashay kulanka ay Madaxweyne Laftagareen la qaateen. ” Aad ayaan ugu mahadcelinaaa sida milgaha leh oo uu noosoo dhaweeyay Madaxweynaha,Waxaan halkaan u nimid inaan qiimeyno xalada dhabtaa ee ka jirto Koonfur Galbeed,Si aan Aqalka sare iyo dowladda federaalka iyo adduun ayaan ugu sheegno xog dhab ah oo aan indhaheena kusoo aragnay,iyo baahiya ay.qabaan bulshada ay fatahaaduhu sameeyeen”.