Ciidanka Xasilinta Booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleeystay in ay gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaad hubeysan oo dhac xoolaad ka geystay deegaannada u dhaxeeya Godod iyo Gacna Fale oo qiyaas ahaan ku dhawaad 45 km.dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Gaalkacyo.
Maleeshiyaadka hubeysan ayaa soo dhacay ku dhawaad shan iyo toban neef oo geel ah, isla markaana ay lahaayeen qoysas xoola dhaqataa kuwaa oo ula soo baxsaday xoolaha ay soo dhaceen deegaanno dhanka koofur bari kaga beegan halka ay xoolaha kasoo dhaceen
Taliye ku xigeenka Ciidanka Xasilinta Booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug Dhamme Cabdifitaax Cali Dabaadi oo la soo xariiray xafiiska Warbaahinta Qaranka ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in howlgal saacado qaatay kadib ay ku guuleeysteen in ay dib uga soo celiyeen xoolihii raggii dhacayna ay gacanta kusoo dhigeen
Taliye xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Maleeshiyada Xoolaha dhacay ay isku day dagaal kala hor yimaadeen Ciidanka balse iska hor imaad kooban oo aan dhalin wax khasaare ah kadib ay gacanta ciidanka soo galeen maleeshiyaadkii xoolihiina ay si nabad ah kusoo celiyeen
Ciidanka Xasilinta Booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug oo ah Ciidan markii horaba loo aas aasay sugidda Amniga iyo ilaalinta Nabadda iyo dib u heshiisiinta ay kala saxiixdeen Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug 26/12/2016 ayaa kaalin muhiim ka qaatay sii jiritaanka Nabadda iyo dib u heshiisiinta waxaana Ciidamadu har iyo habeen howlgallo aan kala joogsi laheyn ka wadaan Magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan deegaannada xadka u ah dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug