Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xulka Gobalka Banaadir oo ka badiyay dhigooda Galmudug 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 8, 2024
in Wararka
0
Xulka Gobalka Banaadir oo ka badiyay dhigooda Galmudug 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir oo si habsami leh uga socdo Tuulada Isboortiga dalka ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa galabta foodda isdaray Xulalka Gobalka Banaadir iyo Galmudug.

Kulanka oo ay u soo daawasho tegeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran ayaa garoonka ku soo bandhigay sida ay u kala taageerayaan labada Xul.

Related posts

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

August 6, 2025
Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025

Cayaarta oo ku bilaabatay dardar aad u xoogan ayaa qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineysay Xulka Galmudug.

Qeybta Labaad ee cayaarta ayaa waxa ay isbadalo sameeyey macalimiinta labada Xul, taasi oo wax badan cayaarta ka badashay.

Cayaartooyda Xulka Kubadda Cagta ee Gobalka Banaadir ayaa sameeyay soo laabasho cajiib ah,  kuwaasi oo ugu dambeyn cayaarta ka dhigay 2-1 oo ay kaga badiyeen dhigooda Galmudug.




Previous Post

Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo u hambalyeeyey Madaxweyne Deni

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo u hambalyeeyey Madaxweyne Deni

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

August 6, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow,ayaa ka qaybgalay daawashada gabagabadii tartanka kubadda cagta oo lagu qabtay...

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya ayaa safar shaqo iyo aqoon kororsi ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS iyo Wasaaradda Qoyska oo shir muhiim ah uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Qoyska iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdiga Safiirka Midowga Yurub

August 5, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In