Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Daa’uud Aweys “Marna ma aqbali doono xadgudubka Dowladda Itoobiya u bareertay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiir Daa’uud Aweys “Marna ma aqbali doono xadgudubka Dowladda Itoobiya u bareertay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb galay Jaaliyadda Soomaaliyered gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka munaasabad looga soo horjeedo damaca gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeybo ka mid ah Badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa marka hore uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota isku soo baxaan weyn ee ay kaga soo horjeedaan gardarada qaawan ee Itoobiya ay u bareertay, taas oo ay wax ugu dhimeyso Qaranimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

“Waad mahadsan tihiin dhammaantiin, si weyn ayaa idin kaga mahadcelineynaa isku soo baxaan weyn oo aad maanta ku dhigaeysaan Minnesota, idinka oo ka soo horjeeda gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ugu bareertay, waxaan idin cadeyneynaa in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay diidmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya, islamarkaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Soomaaliya markasta ay u taagan tahay deris wanaag iyo iskaashi, balse marnaba aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo madax bannaanideeda dhuleed.

”Soomaaliya waxay mar walba u taagan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi laakiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marnaba ma yeeleyno, waxaan ilaalineynaa oo aan difaaceynaa Qaranimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,”.ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa uga digay Dowladda Itoobiya in ay ka waantowdo falalka gurracan ay waddo oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo kan caalamka, isagoo dhanka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, markale, uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ay u muujiyeen dareenkooda ku aaddan ilaalinta Qaranimada Soomaaliyeed, waxaana idin rajeynayaa guul Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha guuleysato.

Previous Post

Itoobiya: in ka badan 20 malyan oo Shacab ah ayaa wajahaya cunto la’aan daran

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Next Post
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogtada

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In