Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa magaaladda Kampala ee dalka Yugaandha uga qeyb galay shirka guddoomiyiyaasha maxkamadaha Sare ee dalalka Qaaradda Afrika oo sannadkaan lagu lafa gurayay nidaamka xallinta khilaafaadka.
Billowga shirka ayaa laysku weydaarsaday doodo badan oo ka qeyb galayaashu ay ka jeediyeen hannaanka loo maro xallinta khilaafaadka kahor maxkamadaynta.
Shirka ayaa la filaayaa inay kasoo baxaan aragtiyo wanaagsan oo wax kusoo kordhin karaan habka wanaagsan ee xalinta khilaafaadyada.