Sunday, December 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii ka dhacay garoonka Aadan Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay in uu hakad ku yimaadaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka.

Warsaxafadeedka oo ka kooban hal bogga ayaa u dhignaa sida tan, “Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 06/03/2024 ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen dib udhac ku yimid duulimaadyadii Gudaha ee sida maalinlaha ahaa uga duuli jiray Garoonka.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

December 27, 2025
Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

December 27, 2025

Wasaaraddu, Dhammaadka Sanadkii 2022 waxay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha kuwaas oo saameyn ku yeesha Muwaadiniinta sida maalinlaha ah uga safra Garoonka Aadan Cadde, Khaladaadkaas waxaa ka mid ah;

Diyaaradaha oo ka dib dhaca wakhtiga duullimaadka, qeyb kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo aan haysan Diyaarado ay ku howl-galaan, Shirkadaha oo Shacabka u jara Tigidho ka badan tirada ay diyaaraddu qaaddo iyo iyaga oo aan dhowrin xuquuqda Muwaadiniinta xilliyada uu baaqdo duullimaadka. Sidoo kale in aysan ku dhaqmin jadwalka maalin-laha ee duullimaad-yada aada Goballada iyadoo dhammaan shacabka loo jaro tigidho isku wakhti ah, isla markaasna dhammaan Rakaabka Safraya ay ku soo xareeyan Garoonka salaada Subax ka dib.

Haddaba si loo saxo dhammaan khaladaadka aan kor kusoo xusnay Wasaaraddu waxay samaysay System casri ah, System-kaas oo faraya shirkadaha Diyaaradaha:-

• In System-ka ay kusoo gudbiyaan, nooca Diyaaradda ay isticmaalayaan si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay haysato Diyaarad badqabta oo ay Rakaabka ku qaadi karto, sidoo kalana loo xaddido tirada Tikidhada ay diyaarad waliba qaadi karto.

• In ay system-ka kusoo gudbiyaan Xogta Rakaab-ka ay qaadayaan, si ay hay’adaha amnigu u hubiyaan.

Haddaba; Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in dhacdadii maanta ay ka dhalatay kaddib markii ay shirkadaha Diyaaraduhu ay u hoggaansami waayeen awaamirta Wasaaradda, kana hor yimaadeen fulinta system-ka loo dajiyay iyaga oo diidaya in ay saxaan khaladaadka aan kor kusoo sheegnay.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay u xaqiijineysaa shacabka Soomaaliyeed inay ka hor-tegi doonto wax kasta oo dib u dhac u keeni kara Safarkooda iyadoo Wasaaraddu ay la xisaabtimi doonto shirkadahii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca.

 

Previous Post

Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay gacanta ku heyso dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay gacanta ku heyso dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay gacanta ku heyso dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

Madaxweynaha JFS Oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed La Yeeshay Amiirka Qatar

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka...

Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland

Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland Dalal iyo ururro...

IGAD Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi Ee Soomaaliya

IGAD Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi Ee Soomaaliya

December 27, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya Qoraal kasoo baxay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In