Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo laga cafiyay deyntii Ururka Boostada Adduunka (UPU)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo laga cafiyay deyntii Ururka Boostada Adduunka (UPU)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Geneva ayaa u kictimay Magaalada Berne ee wadanka Switzerland si uu kulan gaar ah ula yeeshay Mr. Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka oo ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha Guud ee UPU, Mr. Masahiko Metoki ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga Cafiyey Deyntii lagu lahaa maadaama ay buuxisay Shuruudihii laga rabay.

Deyn Cafinta kadib Soomaaliya waxa ay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.

Wasiirka Isgaarsiinta mudane Maxamed Soomaali oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno iyadoo Wasaaraddu ku hoolantahay in la dhameestiro Qorshahaas.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Next Post

Shir looga hadlayay wadashaqeynta qurba joogta iyo Hay’adda SoDMA oo lagu qabtay Kenya

Next Post
Shir looga hadlayay wadashaqeynta qurba joogta iyo Hay’adda SoDMA oo lagu qabtay Kenya

Shir looga hadlayay wadashaqeynta qurba joogta iyo Hay’adda SoDMA oo lagu qabtay Kenya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In