Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga oo soo saaray go’aamo khuseeya arrimaha xajka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Sacuudiga oo soo saaray go’aamo khuseeya arrimaha xajka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Sacuudiga, ayaa soo saartay go’aamo ka dhan ah dadka ku xad-gudba awaamiirta Xajka oo  ah xabsi shan iyo toban maalmood, ganaax lacageed oo dhan 10,000 Riyal lacagta Sacuudiga ah iyo masaafurinta dadka lagu qabto iyagoo haysan waraaqaha ogolaanshaha Xajka iyo dal ku galka (Visa).

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga oo adeegsaneysa (hashtag-ka #NoHajjWithout Permit) ee baraha bulshada ayaa ku dhawaaqday in olole amni oo habeen iyo maalin laga sameynayo  magaalada Maka, tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in gacanta lagu soo dhigo kuwa xad-gudba awaamiirta Xajka si loogu qaado sharciga la soo saaray.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in guddiyada maamulka  guud ee hubinta adeega Baasaboorada ay soo saareen go’aano dhowr ah oo dhanka maamulka ah, Kuwaas oo isugu jira 15-maalmood oo xarig ah iyo 10,000 oo Riyal oo lacagta sacuudiga ah.

Go’aanka la soo saaray ayaa khuseeya muwaadiniinta Sucuudiga iyo dad kale ee ajaaniibta ah ee gudashada waajibaadka xajka u tegaya dalkaas.Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada amniga iyo fulinta go’aannada lagu adkeynayo si joogta ah looga sameynayo magaalada Maka si loo soo qabto kuwa sharciga ku xad-gudba looguna gudbiyo hay’adaha awoodda u leh si ay ciqaab adag ugu fuliyaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee ajaaniibta ah in ay u hoggaansamaan oo ay dhowraan awaamiirta iyo shuruucda xajka si martida Alle ay ugu helaan ammaan, badqab, nasteexo iyo in ay ku qancaan gudashada waajibaadka xajka.

Previous Post

Danjire Jabriil Ibraahim oo la kulmay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda UN-Habitat

Next Post

Guddoomiyaha BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq

Next Post
Guddoomiyaha BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq

Guddoomiyaha BJFS oo kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In