Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan Istiraatiyadda Warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan Istiraatiyadda Warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada Warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo.

Tababarkan oo ay ka faa’iidaysteen ilaa 20 suxufiyiin iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha warbaahinta dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee Muqdisho.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Aqoon isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saarey sidii weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta loo bari lahaa xirfado sare oo tayo leh oo la xiriira ka hortaga been abuurka ah iyo in bulshada lagu jiheeyo tubta toosan ee wax dhista .

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Turkiga taageeridda tababarkan muhiimka ah.

“Waxaan ku jirnaa olole xooggan oo ku wajahan jiheynta bulshada iyo ka hortaga been abuurka, toddobaad ka hor waxaan qabanay shir weyn oo looga hadlay saameynta been abuurka iyo kicinta colaadaha, tababarkani waxa uu ka dhashay kulan aanu halkan kula yeelanay Safiirka, wuxuuna xoojinaya hagaajinta istaraatiijiyadda Warbaahinta iyo ka hortaga wararka khaldan ama been abuurka ah ee sida ku talogalka ah loo baahiyo. Waxaan uga mahad celinayaa safaaradda taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys

Wasiirka waxaa uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in waxa ay ka faa’iideen tababarkan ku dhaqmaan una gudbiyaan saaxiibadooda goobaha shaqada.

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa tilmaamay in ujeedka aqoon isweydaarsigan safaaradda u taageertay uu yahay xoojinta iskaashiga labada dal, loona baahan yahay weriyeyaasha iyo warbaahinta inay door fiican ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa wadda dedaalo lagu xoojinayo wacyiga bulshada ee ka hortaga faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha sokeeye oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida dalka.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida shixnado gargaar u dirtay Ruunirgood

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray Dugsiga barbaarinta carruurta Agoonta ciidanka

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray Dugsiga barbaarinta carruurta Agoonta ciidanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray Dugsiga barbaarinta carruurta Agoonta ciidanka

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In