Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga Hakan Fidan oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Switzerland kaga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Al Adxa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Al Adxa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

6- Raโ€™iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, isagoo shacabka halkaasi deggan kula qaatey dabaaldegga maalmaha Ciidul Adxa.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho salaada Ciidul Adxa kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho.

8- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa kulan fogaan arag ah la yeelatey Jean Todt oo ah Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo

10- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegaya in DFS ay ay adeegyo caafimaad u fidisay xujeyda Soomaaliyeed ee dhowaan Xajka soo gutay.

11- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga oo ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo masโ€™uuliyiin kale.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay hoggaanadda Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo kala hadley dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa socdaal nabad raadin ah ku tagey deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud oo ay dhowaan ka dhaceen dagaal beeleedyo ay dad badan ku dhinteen.

14- Ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

15- Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo badan ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshe magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo diyaaradeed.

17- Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka ee SoDMA ayaa u dirtay gaadiid siday shixnado gargaar ah degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

18- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka Mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa daah-furay qorsho istiraatiiji ah oo loogu talagaley in Hayโ€™addu ay ku dhaqanto dhaqanto 5-ta sano ah ee soo socota.

19- Afar ka mid ah horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Previous Post

Guddiga Qaran ee Xuska maalmaha xoriyadda oo kormeeray goobaha qabanqaabada ka socoto

Next Post

Federal Government of Somaliaโ€™s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somaliaโ€™s Weekly Briefing

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

December 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In