Wednesday, August 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Madaale oo kormeeray Ololaha Hooyo u hiili Qarankaaga ee ka socda Caasimadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 21, 2024
in Wararka
0
Guddoomiye Madaale oo kormeeray Ololaha Hooyo u hiili Qarankaaga ee ka socda Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray ololaha “Hooyo u Hiili Qarankaaga” kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Haweenka Soomaaliyeed si ay u garab istaaggaan ciidanka xoogga dalka ee ku jira howlgallada dalka lagaga sifeenayo kooxaha Khawaarijta.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ay uga qeyb qaadanayaan halganka dalka looga xoreynayo Kooxaha Khawarijta, isla markaana ay isku xilqaameen sidii cunooyinka qalalan loo gaarsiin lahaa geesiyaasha dalka, waxa uuna balan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doonno taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

August 19, 2025

Guddoomiye Madaale oo uu kormeerkaan ku wehliyay Ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ugu baaqay Xildhibaannada iyo Siyaasiyiinta dalka in ay ka fogaadaan hadalada lagu niyad jibinayo Ciidamada Qaranka, isla markaana ay ka qeyb qaataan dhiirigelinta iyo kaalmeynta Ciidamada Qaranka ee Naftooda u huray in ay dalka iyo dadka ka bad-baadiyaan cadowga Khawaarijta.





Previous Post

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda

Next Post

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo IOM oo ka wada hadlay yareeynta khasaaraha Musiibooyinka dabiiciga ah

Next Post
Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo IOM oo ka wada hadlay yareeynta khasaaraha Musiibooyinka dabiiciga ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo IOM oo ka wada hadlay yareeynta khasaaraha Musiibooyinka dabiiciga ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta    

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

August 20, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Hay’addaha Qaramada Midoobay

August 19, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle , ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilo ka socda Qaramada Midoobay,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

August 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada...

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 uu 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 uu 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

August 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In