Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo guddoomiyay kulan aan caadi ahayn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo guddoomiyay kulan aan caadi ahayn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa labaad ee aan caadiga ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka waxa uu ka koobnaa dhaarinta Xildhibaan cusub, kalmada soo dhoweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana ugu horeyn Habdhowraha Golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux uu dhaariyay Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Intaasi ka dib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban kulanka ka jeediyay ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Josepoh oo ku casuumanaa kulanka maanta ee golaha.

Guddoomimiyaha Baarlamaanka Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutimana oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa marka hore u mahadceliyay guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo sidoo kale bogaadiyay shaqada uu Golaha Shacabka u haayo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomimiyaha Baarlamaanka EAC waxa uu Golaha Shacabka uga warbixiyay sida uu u dhisanyahay Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo howlaha uu qabto, waxaana uu tilmaamay in muhiimadda Baarlamaankan u dhisanyahay ay tahay ka shaqeynta Horumarka iyo midnimada wadamada ururka ku jira.

Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyay dadaaladii Soomaaliya ay ku bixisay ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo kaalintii uu baarlamaanka Soomaaliya ka geystay, isaga oo dhinaca kale aad usoo dhoweeyay u diyaar garowga Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku aadan xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutiman oo guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka warbixin ka siiyay howlaha urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika gaar ahaan baarlamaanka ururkaasi.

 













Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxa horumarinta Xoolaha Talyaaniga

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka

Next Post
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In