Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Aqoon isweydaarsiga Casriyeynta Dowladnimada ee Qorshaha Isbedelka Qaran oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Aqoon isweydaarsiga Casriyeynta Dowladnimada ee Qorshaha Isbedelka Qaran oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo ku saabsanaa tiirka Casriyaynta Dowladnimada ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).

Aqoon-is-weydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa looga gol lahaa in lagu dejiyo yoolalka iyo qorshayaasha qaybaha kala duwan ee tiirkan, oo ay ku jiraan Amniga, Saraynta Sharciga, Siyaasadda loo Dhanyahay, iyo Dib-u-habaynta Hay’adaha Dowladda. Waxa kale oo aqoon-is-weydaarsiga looga hadlay sidii daneeyayaasha kala duwan ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii caqabadaha jira loo xallin lahaa.

Related posts

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka ee tiirkan hoos yimaada. Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, Maxamed-Wali Maxamed, oo ah masuulka hogaaminaya qaybta Siyaasadda loo Dhanyahay, ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii laga dooday iyo yoolalka la rabo in la gaaro shanta sano ee soo socota. Sidoo kale, Mudane Cabdi Cismaan, Isku-duwaha Qorshaha Isbedelka Qaran, ayaa sharaxay habka diyaarinta qorshaha iyo waxa weli harsan in la qabto.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Feysal Aadan Xasan, ayaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay gabagabada kulanka, isagoo bogaadiyay dadaalka iyo ka qaybgalka mas’uuliyiinta.

Ugu dambayntii, Wasiirka Qorsheynta, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha aqoon-is-weydaarsiga, kuna booriyay in ay dadaalkooda sii wadaan si loo soo saaro Qorshe Qaran oo wax ku ool ah, isla markaana ay wakhti iyo dadaal badan geliyaan sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Previous Post

Somali FM Discusses Collaborative Approaches with OIC Secretary-General

Next Post

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Next Post
Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdalla...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

February 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In