Saturday, September 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga XFS oo furay shirka Qorshaha shanta sanno ee Haya’adda Socdaalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 14, 2024
in Wararka
0
Wasiirka Amniga XFS oo furay shirka Qorshaha shanta sanno ee Haya’adda Socdaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa furtay shirka isku-xirka Howlaha iyo Fulinta Qorshaha shanta sano ee soo socoto kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho isla markaana ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

September 13, 2025
Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

September 13, 2025

Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo furay shirka ayaa sheegay in ay ku ammaanan tahay HSJ sida ay u dajineyso qorshaha fog ee horumarinta adeeg bixinta, sidoo kale waxa uu sheegay in si loo ilaaliyo madaxbanaanida iyo amniga xuduudaha ay HSJ qayb wayn ka tahay fulinta howshaas islamarkaana ku dhiirigeliyay in aad looga feejignaado dadka soo galaya xuduuddaha.

 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ujeedada shirkan uu yahay in lasoo bandhigo guulaha iyo waxqabadka hay’addu gaartay, sidoo kalena looga hadlo qorshaha horumarinta howlaha iyo adeegyada ay hay’addu qabato.

 

Munaasabada waxaa sidoo kale hadalo kooban ka jeediyay mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Maareeyaha Garoonka Aadan Cabdulle.

Previous Post

Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)

Next Post

Ra”iisulwasaare kuxigeenka oo furay Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya

Next Post
Ra”iisulwasaare kuxigeenka oo furay Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya

Ra”iisulwasaare kuxigeenka oo furay Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

Xildhibaanno iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo booqday ciidamadii kusoo dhaawacmay Ceeldheer

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Xildhibaanno ka tirsan BFS, iyo xubno ka kale socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee barnaamijka "Hooyo U Hiilli Qarankaaga"...

Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

Madaxweynaha Galmudug oo geesiyaasha Qaranka u hambalyeeyay

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DHUUSAMAREEB):  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay, Ciidanka Qaranka iyo halyeeyada deegaanka guushii taariikhiga...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xaqiijiyey tirada Khawaarijta ee lagu dilay dagaalkii Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xaqiijiyey tirada Khawaarijta ee lagu dilay dagaalkii Ceeldheer

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay, in Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo kulan la qaatay Guddoomiyaha SoDMA

September 12, 2025
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dolwad goboleedka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa duleedka magaalada Laascaanood kulan is xogwareysi ah kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In