Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo furay shirka Guddiga xiriirka Maareynta Musiibooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo furay shirka Guddiga xiriirka Maareynta Musiibooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiiboyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dhisidda Guddiga Xiriirka Maareynta Musiibooyinka ee heer Qaran, waxaana kala soo qeyb galay Agasimaha guud ee Wasaaradda degaanka iyo is-beddelka cimilada Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, Agaasimaha waaxda gargaarka gobolka Banaadir Muxyadin Maxamuud, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Cabdiraxmaan Galaanbe.

Shirkan ayaa waxa ka qeybgalay Wasaaradaha Arimaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Dowlad goboleedyada, Hay’ado heer Federaal ah, khubarro iyo saraakiil sare oo ka socotay Hay’adda Cunnada Aduunka ee Qaramada Midoobay, Rugta Ganacsiga, bulshada rayidka ah iyo madax ka socoday xafiiska Somali Crises Recovery Program waxaana maalgaliyay dhisidda guddigan Baanka Aduunka.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa kawarbixiyey u jeedka shirkaan, isagoo xusay in Maareynta Musiiboyinka aysan ku filneen hal Hay’ad, loona baahanyahay in la isku kaashado sida loo maaraynayo masiibooyinka dalka ka dhaca ee dhibaateeya dadka, degaanka iyo dhaqaalaha.

 

Previous Post

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga ee ku sugan Gobolka Baay

Next Post

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In