Saturday, October 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay xarunta Daarul Iftaa ee fatwada Diinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 6, 2025
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay xarunta Daarul Iftaa ee fatwada Diinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhigax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa, ayaa sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

October 4, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad oo tababar u soo xiray saraakiil iyo Saraakiil xogeenno ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad oo tababar u soo xiray saraakiil iyo Saraakiil xogeenno ka tirsan Gorgor

October 4, 2025

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobay

Next Post

Maamulka Hobyo oo horumar ka sameeyay adeegyada Caafimaadka

Next Post
Maamulka Hobyo oo horumar ka sameeyay adeegyada Caafimaadka

Maamulka Hobyo oo horumar ka sameeyay adeegyada Caafimaadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

October 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad oo tababar u soo xiray saraakiil iyo Saraakiil xogeenno ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad oo tababar u soo xiray saraakiil iyo Saraakiil xogeenno ka tirsan Gorgor

October 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa tababar u soo xiray saraakiil,...

Madaxweynaha JFS oo daah-furay shirka istiraatiijiyadda ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo daah-furay shirka istiraatiijiyadda ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

October 4, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka daahfuray magaalada Muqdisho shirka istiraatiijiyadda ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka, Madaxweynaha oo...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo soo bandhigay akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Barakacayaasha(IDP Bill)

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo soo bandhigay akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Barakacayaasha(IDP Bill)

October 4, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa maanta hortagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In