Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan $700,000 ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka, taasoo loogu talagalay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal, Munaasabaddaas waxaa ku weheliyay Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda deegaannada ay abaartu sida ba’an u sameysay.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa cadeeyay in lacagtaas lagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolka Awdal si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan gurmadka degdeg ah, asagoo hadalkiisa raaciyay in lacagtaasi aysan ku filneen reer awdal loona baahanyahay in dadaalka gurmadka lasii laba jibaaro.

Related posts

February 6, 2026
Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026

Dhankooda Wasiiradii iyo Xildhibaannadii goobtaasi ka halay oo kala ahaa:

1. Wasiirka Howlaha Guud JFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur

2. Wasiiru-dowlaha Amniga JFS Maxamed Cali Xagaa

3. Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed Bulaale

4. Wasiir ku xigeenka Betroolka Cabdiwahaab (Cananuug)

5. Xildhibaan Caasho (koos)

ayaa dhammaantood soo dhaweeyay deeqdaasi lacageed, Waxay si gaar ah mahadcelin ugu jeediyeen Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, iyo golaha Wasiirada ayagoo sheegay iney garab istaageen reer Awdal xiligii ugu adkeed, sidoo kale Wasiirrada waxay mahadcelin u jeediyeen maamulka Gobolka Banaadir si gaar ah guddoomiyaha Gobolka Banaadir Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Munaasabadaan ayaa timid ka dib markii dhawaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ay dadka reer awdal ugu yabooheen lacag dhan $500,000 sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda ku deeqay lacag dhan $200,000.

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa wada Dadaalo xoog leh oo lagu garab istaagayo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Gobolka Awdal, ayadoo Hey’addu ay qabato shirar iyo Kulamo gaar gaar ah tasoo lala yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin Ganacsatada, Culimada, hey’adaha Maxaliga ah iyo kuwa caalamiga, ayadoo u jeeddadu ay tahay garab istaaga dadka reer Awdal .

 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Next Post

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

Next Post
War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa saakay hoggaamiyay olole ballaaran oo nadaafadeed oo...

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

Gobolka Banaadir oo qorsheynaya in la hagaajiyo goobaha biyo fariisiga ah ee Muqdisho

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo kormeeray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho...

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

Madaxa Hey’adda SODMA”ummadda Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay u gurmadaan dadka la ildaran abaaraha”

February 6, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin guud ka bixiyay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

NISA oo howlgal ku dishay horjooge Axmed Dhuxul oo ka tirsan Khawaarijta

February 5, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In