Tuesday, October 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey martigelinta iyo soo dhoweynta, isagoo xusay in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo maalgashi, sida beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha. Isagoo tilmaamay in fursadahan ay u furan yihiin shirkadaha iyo maalqabeennada Shiinaha si ay u maalgashadaan.

Related posts

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Gobolka, Mudane Li Yifei, ayaa Soomaaliya ku sifeeyay dal hodan ah oo leh fursado badan oo aan weli si buuxda loo maalgashan. Waxaa uu caddeeyay in Ningxia ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso shirkadaha iyo maalqabeennada deegaanka si ay u booqdaan Soomaaliya, una sahamiyaan fursadaha jira, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Previous Post

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

October 28, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyay shirka Amniga oo lagu gorfeeyay...

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

C/casiis Golfyare oo loo magacaabay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka

October 27, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS, Mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), Agaasimaha Waaxda Warfaafinta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Saalim Caliyow u magacaabay Wasiirka shaqada

October 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya....

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
0

Wajiga koowaad ee mashruuc cuno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga bilaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In