Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
IGAD oo soo dhaweysay heshiiska ay wada gaareen Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bayaan ka soo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku aadanaa hannaanka doorashooyinka.

Dr Workneh ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta, isagoo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay uga go’antahay in dalka uu ku hago midnimo, nabad iyo isku-duubni.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Bayaanka ayaa lagu yiri “Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waxa ay yihiin dhabo muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbedel dimoqraadi ah, loona baahanyahay in la sii wado”.

Xoghayaha fulinta ayaa ku dhiiri galiyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay isla qaataan tallaabadan wax ku oolka ah ee loo qaaday heshiiskan buuxa, isagoo hoosta ka xariiqay in ahmiyadda uu isu-tanaasulku leeyahay ay tahay si loo gaaro xal waara, ayna IGAD sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo iskaashi dhow la leh madaxda iyo shacabka dalka si loo horumariyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Next Post

Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

Next Post
Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In