Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo furay kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo furay kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dib u xoreynta dalka, kobcinta dhaqaalaha, Xasilloonida siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda ee ay la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka 11-aad, isaga oo u rajeeyay in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kaga aaddan dhammeystirka Dastuurka, dimuquraadiyeynta dalka iyo xoojinta dowladnimada.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

“Barlamaanka 11-aad, waxaa sharaf iyo ammaan u ah in uu ku dhiiraday qabyo-tirka Dastuurka oo ahayd howl la dib dhiganayay laga soo billaabo Barlamaankii 9-aad. Waa taariikh xusuus badan u reebi doonta jiilasha soo socdo, in aad tihiin kuwii ku dhiiraday dhammaystirka Dastuurkeenna. Waxaan rajaynayaa in Kalfadhigaan lagu dhammaystiro qabyo-tirka Dastuurka qeybaha harsan.”

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowladnimada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.

“Bilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya qodista shidaalka. Waxaynu horumarinaynaa kaabayaasheenna dhaqaale, oo ay ka mid yihiin jidadka, garoomada dayaaradaha, dekadaha oo lagu daray saldhig laga gano dayaxgacmeedyada, oo ah kii ugu horreysay ee Qaaradda Africa laga dhiso”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay in lala fariisto mas’uuliyiinta iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.

“Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka goos qabsaday in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadinno, waana ku sii soconaynaa wadadaas Alle idankii”.

Previous Post

Akhriso Wargalinta Sahanka Dhaqaalaha Ganacsiga

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In