Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka, kaas oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la jaanqaaddo dhaqaalaha caalamiga ah, dowladduna ay dadaal ku bixinayso sidii loo abuuri lahaa jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsiga.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

โ€œSoomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, suuq ganacsi oo kobcaya iyo bulsho dhallinyaro ah oo hal abuur ku tilmaaman. Waxaan doonaynaa inaan abuurno jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsigaโ€.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ganacsiga iyo Teknoolajiyadda, isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo Teknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada iyo haweenka u sahli kara inay kaalin muuqata ka qaataan kobaca dhaqaalaha.

โ€œGanacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah waa furaha mustaqbal barwaaqo leh. Soomaaliya waxa ay rabtaa in ay noqoto albaabka ganacsi ee Geeska Afrika iyo Badda Cas”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka, xoojinta iskaashiga iyo ganacsiga.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad oo tababar u soo xiray saraakiil iyo Saraakiil xogeenno ka tirsan Gorgor

Next Post

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Next Post
Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In