Tuesday, October 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 days ago
in Wararka
0
Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(AWDHEEGLE):- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u qiimeeyaan xaaladda amni iyo tan bini’aadantinimo ee degmadaas oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray goobihii uu cadawga argagixisadu burburiyay, oo ay ka mid yihiin guryihii shacabka, xarumihii waxbarashada iyo caafimaadka, iyo qalabkii tamarta qoraxda ku shaqaynayey ee bulshada muhiimka u ahaa.

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in shacabka degmada Awdheegle ay wajahayaan xaalad adag oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo xusay in booqashadan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu garab taagan yahay shacabka laga xoreeyay Khawaarijta.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu bogaadiyay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan ciidamada ka tirsan howlgalka AUSSOM, kuwaas oo door muuqda ku leh sugidda nabadda iyo xasilloonida dalka.

Previous Post

Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

Next Post

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Next Post
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
0

Waddada Dimuquraaddiyadda. Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano...

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaana ogolaatay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

October 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay...

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

October 20, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu abaal marinayay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In