Monday, October 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 hours ago
in Barnaamijyada, Wararka, Xulashada
0
Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waddada Dimuquraaddiyadda.

Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano kadib.

Related posts

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

October 20, 2025

Waa natiijada dadaal dheer oo jid adag loo soo maray, kaas oo talada loogu celinayo gacmaha Dadweynaha oo ay ugu dambaysay in ay codkooda ku go’aamiyaan Madaxdooda 1969-kii.

In milyan Dagan Muqdisho isku diiwaangaliyaan in ay codkooda ku doortaan Madaxdooda, kuma imaan si sahal ah, waxay leedahay micno ka duwan waxkasta oo kale oo ka dhacay Dalka.

• Inta aanan eegin farriimaha ay dirayso guushaani, waxaan tilmaan yar ka bixinayaa tusaalooyinka mudan wax ku miisaamista ee lasoo maray si loosoo gaaro natiijada lasoo bandhigay.

Shan tallaabo oo ay qaadday Dawladdu si shaqadani u qabsoonto aan tilmaamo.

1- Heshiiska Siyaasadeed ee Doorasho toos ah.

Isaga oo xafiiska jooga wax ka yar bil ayuu bilaabay Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud in uu Dawlad-goboleedyada kala heshiiyo nidaamka Doorasho ee uu farayo Dastuurku, kuna caddaa balanqaadkiisii Siyaasadeed ee Doorashada si la mid ah Musharaxiintii kale ee 2022. Toban Shir oo uu u qabtay Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu waddada u xaaray in si siman ay is diiwaangalintu uga bilaabato inta badan Dalka, waana talaabada koowaad ee mudan in taariikhdu meel dhigto,

2- Dhamaystirka Sharciyada ay u baahanayd Doorashada Toosan.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo hirgalinaysa Siyaasadda Madaxwaynaha, ayaa diyaarisay ka dibna marisay dhamaan habraacyada Sharci ee ay ku ansaxayaan Sharciyadu, dabcan iyada oo ka faa’iidaysanaysa heshiiska Siyaasiga ah, taas ayaa sabab u noqotay in la galo Doorasho toosan oo leh sal Sharci oo dhamaystiran, kuna qotonta Dastuurka,

3- Dhismaha Hay’adaha fulinaya Doorashada.

Markii la xaqiijiyay labada qodob ee sare ku xusan, markale waxaa loo guntaday sidii loo dhisilahaa Hay’adihii hirgelinlahaa Doorashada toosan ee Sharcigu jideeyay si waafaqsan Sharciga iyo Heshiisyada Siyaasadda, juhdi iyo dedaal adag kadib markale Xukuumaddu waxa ay salka u dhigtay Guddiyo haysta awood sharci oo dhamaystiran waana kuwa ugu dambayn galabta soo bandhigay natiijada diiwaangelintii ugu horaysay ee ay fuliyeen.

4- Sugidda Amniga.

Shaqooyinka aan sare ku xusay, waxaa dhinac socday dagaal adag oo Dawladdu u gashay in la wiiqo awoodaha carqaladaynkara Amniga Doorashooyinka kuwaas oo ay ugu wayntahay Khawaarijta, ku xigo hubka Sharci darrada ah, lagu daray Tuugada iyo Dambiilyaasha abaabulan, juhdigaas ayaa keenay in Milyan Qof ay si nabadgalyo ah safaf ugu galaan dhamaan degmooyinka Caasimadda muddo ku dhaw Shan bil oo Allaah fadligiisa aanu dhicin xitaa hal shil oo Amni darro ah.

5- Diyaarinta baahiyaha Agab ee Doorashada.

Si loo fuliyo shaqada Doorashada oo ay diiwaangalintu ugu horayso, waxaa qasab ah in la helo lana daboolo dhamaan baahida Qalab, Xafiis, Shaqaale, Gaadiid iyo adeegyada kale ee la midka ah, taas oo u baahnayd Dhaqaale aad u badan, nasiib wanaag, Dawladdu iyada oo isku tashanaysa waxa ay guddiga Doorashooyinka u fududaysay kana dabooshay dhamaan baahiyihii ay qabeen ee dhanka tasiilaadka, taas oo keentay in ay si guul leh u gaaraan natiijada Galabta ay soo bandhigeen.

Isku gaynta hawlaha qabsoomay ee aan ku xusay Qormadaan, waxay run u badaleen Riyo soo taagnayd tan iyo Dawladdii Carta lagusoo dhisay oo waajibka dhamaan Dawladihii kala dambeeyay ay ahayd in ay halkaan Dalka soo gaarsiiyaan balse nasiibka iyo dedaalku ku caawiyay Madaxda Qaranka ee Maanta in ay waddada ku ridaan xaajada.

Qiimaha ay tani ku fadhiso waa mid ka sal balaaran dan Qof iyo Koox, waa tallaabo inoo dhawaynaysa Dawlad sharciyad ka haysata Dadkeeda, waa xaalad ka jawaabaysa himilada Ubadkeenna, sidaas awgeed, waxaan soo jeedinayaa saddex fariin.

1- Mas’uuliyiinta diidan.

Tani hubaal haddii aanay maanta idinka farxin barri ayay idinka farxin doontaa, waad ogtihiin in ay tahay jid lagu qasbanyahay, nin unbaana marinlahaa jidkaan adag, haddii Madaxda maanta joogta ay hiigsigaas albaabkiisa riixeen, dhinacyada la qabta adinka oo filanaya in aad noqon kartaan kuwa miraha gurta.

2- Shacabka.

Muwaadin, tani waa xaqiiqo dhab ah oo dawaynaysa xanuunka Qaran-jabkii ee dhamaanteen aan la taahaynay muddada dheer, adiga oo aan ku eegin, aragti Qof, Koox, Qabiil iyo deegaan gaar ah, u arag Mustaqbalkaaga iyo kan Ubadkaaga oo gacantaada soo galaya, sidaas awgeed wixii aad ku darto ha ahaadaan mid horay u wadaysa oo aan dib inoo celinaynin.

Gunaanad, shaki malaha in aynaan maanta filanaynin wixii ugu wanaagsanaa, shaki malaha in cillado jiri karaan, shaki malaha in aanay naga wada farxin doonin, balse mid kale oo aan shaki lahayn ayaa ah in aanu jirin Khiyaar kale oo ka wanaagsan oo aan ku badalano, waxaan kale oo shaki lahayn in ay tani inoo jiidayso jihada guusha insha allaah.

W/Q: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala)

Previous Post

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
0

Waddada Dimuquraaddiyadda. Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano...

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaana ogolaatay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

October 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay...

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

October 20, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu abaal marinayay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In