Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
7 months ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BARAAWE):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo uu xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Taliska Guutada 4aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-ka-jarista ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, maamulka gobolka Shabeellada Hoose, iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo heer degmo ah.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Taliyaha ayaa sheegay in dhismahan cusub uu ka mid yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo kaabeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda difaaca iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku ammaanay ciidamada howlgalka ku sugan Shabeellada Hoose dadaalkooda joogtada ah ee ay ku sugan yihiin amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta degmada Baraawe ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo tilmaamay in xaruntan cusub ay sare u qaadi doonto isku-duwidda howlaha ciidamada iyo amniga guud ee magaalada.

Previous Post

Guddiga Arrimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta Arrimaha Federaalka Oo Kulan Su’aalo Waydiin Ah Layeeshay Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Next Post

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Next Post
Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In