Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha XFS ayaa Magaalada Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo maanta ay ahayd maalin u gaar ah Soomaaliya.

Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee loogu talagalay ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe oo markii ugu horeysay ay ka qeybgaleen ganacsato Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay u gaar ahayd bulshada Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Beeraha XFS, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, hay’adaha UNIDO iyo Cowater, diblomaasiyiin, ganacsato iyo marti sharaf kale oo madasha lagu casuumay.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Ganacsatada Soomaaliyeed, oo isugu jiray kuwa yaryar iyo dhexe, kana socday 28 shirkadood oo dalkeenna ah isla markaana caan ku ah hal-abuurka ganacsiga ayaa madasha ku soo bandhigay badeecooyin kala duwan, hido iyo dhaqanka dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeer indho indheen ah ku maray goobaha lagu soo bandhigayay badeecooyinka kala duwan, kuwaasi oo warbixino ka dhageystay ganacsatada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ibraahim Axmed Cismaan ayaa tilmaamay in la gaaray talaabo guul u ah guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale oo madasha ka hadlay waxa ay si wadajir ah u xuseen doorka ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadan horumarinta ganacsiga iyo abuuridda fursado maalgashi.

Safirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mss Frensesko Demori ayaa iftiimisay in ganacsatada Soomaaliyeed ay kaalin firfircoon ka qaateen bandhigan.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo si rasmi ah u daah-furay bandhigga maanta oo ay Soomaalida u gaarka ahayd ayaa ku bogaadiyey ganacsatada inay joogteeyaan soo bandhigidda badeecooyinka iyo agabyada kale ee quruxda badan ee dalkeena laga dhoofiyo.

Bandhigan oo soo bilowday 7dii bishan isla markaana soconaya ilaa iyo 16ka ayaa waxaa 11ka bishan si rasmi ah u furi doono Madaxweynaha Dalka Kenya William Samoei Ruto.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In