
RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashadu inay si degdeg ah usoo dhammeystirtaan 4,000(AFAR KUN) oo macallimiin oo ka hadhay tiradii 10,000(TOBAN KUN)oo macallimiin ee horay loogu ballanqaaday in goobaha waxbarashada ee dalka ay ka hawlgeli doonaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in shaqaaleysiinta macallimiintaasi, ay ka mid tahay qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo waxbarashada, laguna taageerayo macallimiinta Soomaaliyeed ee door muhiimka ah kaga jira dhismaha mustaqbalka dalka










