Wednesday, February 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul leh u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u diraysaa dhammaan xubnaha ku guuleystay Doorashada Golaha Deegaanka.

 

Related posts

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

February 25, 2026
Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara.

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara.

February 25, 2026

Doorashadan ayaa astaan u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, hannaanka federaalka, iyo maamul wanaagga. Waxay muujisay bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho, iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen shacabka Gobolka Banaadir.

 

Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay kaqaybgal dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed. Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aanqaadashada heer deegaan.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay si gaar ah u bogaadinaysaa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo ku guuleystay in ay si hufan, daahfuran, isla markaana xirfad leh u maamulaan Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ammaan iyo mahadnaq u jeedinaysaa hay’adaha ammaanka Qaranka, kuwaas oo si xilkasnimo, feejignaan, iyo karti leh u sugay amniga doorashada, taasoo horseedday in geeddi-socodka doorashadu u qabsoomo si nabad ah, hufan, isla markaana guul ku dhammaada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay sidoo kale uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee taageeray hannaanka doorashooyinka, isla markaana taageeray natiijada iyo in si dimoqoraadi ah dadka Gobolka Banaadir loo celiyey awoodooda.

 

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee la doortay uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla-xisaabtanka, kor u qaadista maamul wanaagga, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya nolosha iyo danta shacabka Gobolka Banaadir.

 

DHAMMAAD

Previous Post

Horjoogayaasha sarre ee Khawaarijta oo dareemaya cabsi iyo walwal Xooggan 

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

February 25, 2026
0

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa afar...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara.

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara.

February 25, 2026
0

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga...

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 24, 2026
0

  Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos...

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In