Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 days ago
in Wararka
0
Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob.

Goluhu wuxuu si adag uga horyimid isla markaana cambeereeyay go’aanka hal dhinac ah ee ay Israa’iil ku aqoonsatay “ Somaliland” oo qeyb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya inay tahay dal madax-bannaan, taas oo halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

Goluhu waxa uu si adag u cambaareynaya go’aankaas qaldan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah looga noqdo.

Goluhu waxa uu mar kale xaqiijinaya sida ay uga go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan Axdiga Aasaaska ee Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4 (e) iyo (i) ee Heshiiska Golaha Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale qodobada khuseeya ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Goluhu waxa uu soo dhoweynayaa bayaanka uu soo saaray Mudane Mahmoud Ali Youssouf, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, taariikhdiisuna ahayd 26 Diseembar 2025, kaas oo diidaya tallaabo kasta ama qorshe kasta oo lagu aqoonsanayo waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) inuu yahay dal madax-bannaan, arrintaas oo khilaafsan mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, iyadoo sidoo kale wiiqaysa himilada Afrika mideysan, barwaaqo ah, oo nabdoon sida ku cad Ajandaha 2063.

Goluhu waxa uu caddaynayaa in aysan jirin cid xaq u leh ama awood u leh inay beddesho xuduudaha dhuleed ee dal xubinta ka ah Midowga Afrika, isla markaana tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid sharci darro ah, waxba kama jiraan ah, oo aan wax saamayn ah lahayn.

Goluhu waxa uu mar kale xasuusinayaa in isku day kasta oo lagu beddelo xuduudaha xoog ama si sharci darro ah uu yahay mid ka hor imanaya Axdiga Midowga Afrika, isla markaana abuuri kara tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeelan kara nabadda, amniga, iyo xasilloonida Afrika.

Golaha Nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika waxa uu ogeysiisanaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay carqaladeynayaan dadaallada amniga ee wadajirka ah iyo mabaadi’da la isla gartay ee Midowga Afrika.

Goluhu waxa uu ugu baaqaya dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka inay dib u xaqiijiyaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeestaan fal kasta oo sharci-darro ah, isla markaana ay taageeraan midnimada Afrika, sharciyadda caalamiga ah, iyo xasilloonida gobolka; sidoo kale ku boorinaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay taageeraan dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu ilaalinayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo in la taageero tallaabo kasta oo wadajir ah oo laga qaado Golaha Guud Qaramada Midoobay ee arrintan la xiriirta.

Goluhu waxa uu ugu Hambalyeynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan dhismaha dowladnimada; isla markaana ku dhiirrigelinaya sii wadidda wadahadallada gudaha dalka sida kaliya ee waxtarka leh ee lagu xallin karo khilaafaadka jira ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah; arrintaas awgeed, wuxuu codsanayaa Guddiga isagoo kaashanaya IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), inuu sii wado taageerada iyo fududeynta wadahadallo wada-dhan ah oo nabadeed;

Goluhu waxa uu xusuusinaya muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo guulihii la gaaray iyo in la dardar geliyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab

Goluhu waxa uu go’aansanaya inuu si dhow ula socdo arrintan oo uu sii ahaado mid firfircoon oo ku hawlan.

Previous Post

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Next Post

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In