Saturday, June 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waxaa si rasmi ah looga daahfuray Magaaladda Nairobi Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya-Kenya iyo Qurbajoogta (Somalia-Kenya and Diaspora Trade Week), kaas oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira labada dal.

Bandhiga ganacsiga labada dal ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo ganacsiga, lagu xoojinayo iskaashiga maalgashiga, isla markaana lagu qotominayo isdhexgalka ganacsiga ee gobolka Bariga Afrika.

Related posts

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026

Munaasabadda furitaanka waxaa furay , Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Danjire Gamal Maxamed Xassan iyo Wasiirka Golaha Wasiirrada Kenya u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika (EAC), ASALs, iyo Horumarinta Gobollada, Marwo Beatrice Askul Moe.

Toddobaadka Ganacsiga wuxuu ka tarjumayaa koboca iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iskaashi ku dhisan kalsooni, fursado wadaag ah, iyo isdhexgal goboleed.

Waxaa mahad gaar ah loo jeediyay Nation Media Group oo wada-martigeliyay hindisahan muhiimka ah iyagoo garab ka helaya Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Waxaa xaflada daahfurka goob-joog ka ahaa Xildhibaan Yusuf Hassan oo ka tirsan deegaan doorashada Kamukunji, Mudane Geoffrey Odundo, Agaasimaha Guud ee Nation Media Group; Moe Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya; Hussien Adan oo ka socday Waaxda Dowladda ee Maalgashiga iyo Ganacsiga dalka Kenya; Dr. Cali Xaaji Warsame Maareeye ku xigeenka Dekedda; iyo hoggaamiyeyaal badan oo la ixtiraamo oo ka kala socday dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Previous Post

Somalia-Kenya Foreign Ministers Hold Sideline Meeting on AU Margins

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
0

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan yahay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha, ganacsiga...

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In