Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u hambalyeeyey wakiilada Xildhibaanada ah ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo maanta lagu dhaariyey Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania, waxaana dhaarinta Xildhibaannada goobjoog ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Ururka (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xubnahan dalkeenna ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika u rajeeyey in ay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka ka saaran metelaadda dalkooda.












