Sunday, November 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska Amniga Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, ahna Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Danjire Cabdullaahi Al-Otaybi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada Jaamacadda Carabta ee dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira dowlad-dhisidda, xoojinta hay’adaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Related posts

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha gobolka iyo danaha wadaagga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkaysay muhiimadda ay siinayso xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay Jaamacadda Carabta, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo nabadda gobolka.

Previous Post

NISA oo Dowlad Deegaanka Soomaalida u gacan gelisay laba eedeysane oo loo haysto dilal

Next Post

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Next Post
Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug Xuseen Maxamed Nuur (Dhagawayne) ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan...

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026, khudbad...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

November 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO;-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

November 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Antalya ee dalka Türkiye kulan kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In