Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa khudbad rasmi ah ka jeediyay Shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (ECOSOC), isagoo beesha caalamka u soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta bulshada, amniga, dowlad-dhiska iyo sareynta sharciga.
Khudbaddiisa, Wasiirku wuxuu iftiimiyay guulaha taariikhiga ah ee laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyeynta. Wuxuu xusay dhammaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta (HIPC Completion Point), qaadista cunaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ugu horreeyay muddo ka badan 50 sano, doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo guulaha laga gaaray dib-u-xoreynta deegaannadii laga saaray Al-Shabaab.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) uu yahay tubta hagaysa horumarka dalka, isla markaana uu saldhig u yahay u guurista horumar waara oo ku dhisan kobac dhaqaale, maalgashi iyo hoggaan hufan, iyadoo si tartiib tartiib ah looga gudbayo ku-tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay qorsheynta ku saleysan xogta, xoojinta nidaamka tirakoobka qaranka iyo horumarinta go’aan-qaadashada ku dhisan caddeymaha, kuwaas oo sare u qaaday dabagalka iyo qiimeynta horumarka laga gaarayo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs).
Gabagabadii, Wasiirku wuxuu ugu baaqay saaxiibbada horumarinta inay sii xoojiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ballanqaadyadooda u beddelaan ficil muuqda oo lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashi dhab ah iyo maalgashi joogto ahi ay laf-dhabar u yihiin dardargelinta hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara iyo dhismaha Soomaaliya nabdoon, barwaaqo ah, isla markaana waarta.










