Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegtay in commandos-ka Danab ay dileen toddoba dagaalyahan oo kooxda Khawaarijta Al-Shabab ah, oo ay ku jiraan taliye, gobolka Shabeellaha Hoose, halka Taliska Maraykanka ee Afrika uu xaqiijiyay weerar isku dubaridan oo ka dhacay agagaarka Degmada Sablaale.

AFRICOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqeyn cirka ah 13-kii Luulyo iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya meel u dhow Sablaale, ku dhawaad 190 kiiloomitir koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho. “AFRICOM, oo ay la socdaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sii wada tallaabooyin lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ay ku hanjabi karto ciidamada Mareykanka iyo Muwaadiniinteena dibadda,” ayaa lagu yiri warka uu soo saaray Taliska.

 

War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Danab ay fuliyeen howlgallo qorsheysan saqdii dhexe maalintii Axaddii magaalada Sablaale, iyaga oo bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

 

Wasaaradda waxay sheegtay in toddobo dagaalyahan la dilay, oo ay ku jiraan taliye loo haysto inuu dagaalyahanno u abaabulay kooxda, balse ma aysan shaacin magaca taliyeha.

 

Mas’uuliyiinta militari waxay sheegeen in ciidamada Soomaaliya ay sidoo kale burburiyeen laba goobood oo lagu sheegay in Al-Shabaab u isticmaasho tababarka xubnaha cusub iyo faafinta fikradaha xagjirka ah. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in goobahaasi loo isticmaalay inay dadka ku xagjariyaan, islamarkaana ku dhiirrigeliyaan weerarro.

Howlgalka ayaa dhacay hal maalin ka dib markii masuuliyiinta Soomaalida ay sheegeen in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya la-hawlgalayaasha caalamiga ah, ay dileen ugu yaraan 26 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah weerarro cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday meelo ay kooxda ku sugan tahay gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Cutubka Danab, oo macnihiisu yahay “Hilaac,” waa cutub khaas ah oo hore u sii tababaran oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la aas aasay sanadkii 2013-kii waxaana lagu tababaray taageerada Maraykanka, cutubkani wuxuu noqday awood muhiim ah oo howlgalada ka dhan ah Al-Shabab ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiinta Soomaalida iyo Maraykanka waxay yiraahdeen cadaadiska Millateriga ee sii socda waxaa loogu talagalay in lagu daciifiyo awoodda kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta weerarrada, qorista dagaalyahannada iyo hanjabaadda shacabka.

Wararkii ugu dambeyay ee laga helayo gobolka Shabeelda Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Qordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari Cabd ibile ah iyo booyad shidaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo fulinta falalka argagixisanimo.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada Argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka Argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
Previous Post

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In